hiiraanvoice.com Wararka Soomaaliya

Sanad kadib geeridii Usaama wali Al qaacida waa sideeda (Warbixin)
Sanad ka hor ayay markii ciidamo gaar ah oo Maraykanku leeyahay kana tirsan guutooyinka ciidamada badda ay duulaan ku qaadeen guri ku yaala wadanka Pakistan halkaasoo la tuhunsanaa inuu ku oolaa ninka sida weyn loo doon doonayay ee reer galbeedku ugu yeeri jireen wajiga argagixisada dunida.

Tuhunkii Maraykanka ee xilligaas waa uu dhaboobay waana la dilay hogaamiyihii Al-Qacida geeridiisana willi waa ay jirtaa cabsida ah inay weeraro argagiso Al-Qacidana uma aragto in xataa dhaawac soo gaaray.

Tobankii Sano ee la soo dhaafay Al-Qacida xubno sar sare ayaa dunida looga dilay oo looga ugaarsaday haba ugu badnaadaane wadamada Afghanistan iyo Pakistan haddana waxaa muuqanaysa in willi Al-Qacida ay awood ledahay.

Richard Fadden waa qabiir ku taqasusay arrimaha amaanka waxaana uu bare ka yahay machadka adeegyada amaanka ee wadanka Canada waxaa uu qabaa aragtida ah in inkastoo la filayay in Al-Qacida ay noqon doonto mas madaxa laga dilay haddana ay arrintaasi rumoomi waysay oo willi ay jirto awood aan marnaba la dafirin oo ururku leeyahay waxaana uu intaa ku daray mar uu la hadlay wargeyska warbixintaan qoray ee Daily Herald inaysan fududeyn in dadka Al-Qacida ka tirsan la qoonsado.

“Ma aha wax fudud in dadka Al-Qaida xubnaha ka ah si fudud loo garto waayo waxay dhibaato cad ku yihiin amaanka bulshada oo dhan”

Tusaaloyin aan la rajaynayn ayaa xataa dunida ka dhacay bal eeg waxa uu ku dhaqaaqay nika reer Norway Anders Behring Breivik oo 77 ruux ku dilay wadankaasi ninkaasi waxa uu dilay waxay ahaayeen dad wada rayid ah oo soo galooti ah waxaana qubaro hadlay ay sheegeen in ninkaas uu qaatay farsamooyinka Al-Qacida.

Qubarada ku taqasasusay la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa aaminsan in Akl-Qacida ay hadda si xawli ah ugu fidiyaan meelo badan oo aan horey looga aqoon inkastoo ay ka sii yaraanayaan wadamadii ay markii hore ku bilawdeen.

Xubnaha Al-Qacida ayaa laga yaabaa in si caadi loogu arko hay’adaha dawliga ah iyo meelaha muhiimka ah sida bangiyada iyo xawaalaha lacagaha la iskugu gudbiyo ururada ay bahwadaanka la yihiina waxaa u fududaata inay hubka u kala gudbistaan haddana waxayba ku lug leeyihiin arrimaha ka jira gobolka Bariga dhexe gaar ahaan wadamada ay rabshaduh ka jiraan sida Syria oo kale.

Mas’uuliyiinta amaanka ee wadamada reer galbeedka ayaa qaba cabsi ay ka muujinayaan illaa iyo 5 urur oo si weyn bah wadaag ula ah uruweynaha Al-Qacida kuwaasoo kala ah Al-Qacida Jaziiradda Carabta oo fadhigiisu yahay wadanka Yemen Maqribul Islami oo xarum ku leh wadamada Morocco, Algeria iyo Mali, Boko Xaraam, oo Nigeria ka dagaalanta Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka jirta, iyo kooxda Lashkar E Taiba oo ka dagaalanta wadanka Pakistan.

Dhamaan ururada Al-Qacida xiriirka la leh waxaa ay leeyihiin xiriiro toos ah oo aan kala joogsi laheyn iyo baro kale oo ay wararkooda ku baahiyaan kuwaasoo ay websityo ka mid yihiin.

Hogaanka Al-Qacida ayaa la ogaaday inay si weyn ugu lug lahaayeen oo ay wax ka abaabuleen weeraro ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin, New York, London, iyo Mombai kuwaasoo khasaaro badan geystay.

Sidoo kale hogaanka Al-Qacida waxay ka badan kala socdeen weeraro ka dhacay qaar ka mid ah wadamada qaaradda Africa.

Al-Qacida nin muhiim u ahaa oo lagu magacaabi jiray Max;’ed Saciid Al-Cumdaa ayaa lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanku leeyahay ee duuliye la’aanta ah laakiin haddana Al-Qacida waxay wadaa arrin lagu tilmaami karo madaxa ciida ka cesho.

“Waxa aan hadda wajahayno waxa ay tahay inaan daraymano cabsi aan ka qabno inay Al-Qacida weeraro dunida ka dhacaan taasoo aadnu daraymo absideeda” waxaa sidaasi yiri Seth Jones madax ka ah hay’ad amaanka qaabilsan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo la yiraahdo RAND Corp waxaana uu xusay in waaxda difaaca wadanka Maraykanka ee Pentagon ,ka uu u jeediyay inay dadaal badan galiso hubinta amaanka wadanka Afghanistan oo ay ciidamo ka joogaan.

Warbixinta uu qoray wargesyka Daily Herald waxaa uu ka hadlay xaaladaha qaar ka mid ah ururada taabacsan Al-Qacida sida Al-Shabab oo kale.

Xarakadda Al-Shabaab oo si weyn u soo shaac baxday xilligii Maxkamaduhu ay Muqdisho la wareegeen sanadkii 2006, ayaa  xoog badan saarta sidii ay u matali  laheyd hawlgalada ay fuliyaan Al-Shabab hogaankoodana waxaa ay u labistaan hogaanka Al-Qacida oo kale waxaana ay dagaal kula jiraan dawlada Soomaaliya iyo ciidamada kaabaya ee AMISOM oo midawga Africa ka socda.

Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta waxa ay hawlaheeda ku fidisay qaar ka mid ah wadamada caalamka min Africa illaa America oo lagu arkay dad aaminsan afkaarta Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran waxaana muuqata inay ku hadaf yihiin ururada kale ee Al-Qacida taabacsan ee dunida ka jira waxaana ay tababarada iyo dhaqalahaba ka helaan Al-Qacida.

Safaarada Maraykanka ee Kenya dhawaan waxay soo saartay digniin ku aadanayd inay jiraan weeraro Shababku maleegayaan oo ay doonayaan inay ka geystaan wadanka Kenya sidoo kale waaxda amaanka gudaha Maraykanka ayaa iyana sheegtay in ururo Al-Shabab ka mid yihiin doonayaan inay geystaan weeraro ay ugu aar gudayaan dilki hogaamiyi Al-Qacida Sh, Osama Bin Laden.

Mar haddii dunidu ay willi ka jirto cabsi ay ka qabaan Al-Qacida mixnuhu waxaa weeye in sanad kadib geeridii Cusama ay willi Al-Qacida awoodeedii leedahay

Askarigii lagu arko asoo shacab dhacayo hala toogto
Taliska Ciidanka Milatariga Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa amar buuxa ku bixisay in aragti lagu toogto askartii lagu arko iyaga oo dadka Shacabka ah dhibaya ama dhacaya.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa ka hadlay Dil shalay loo geestay sadax nin oo katirsanaa Ciidanka Dowlada kuwaa oo lagu toogtay Isgooska Maana boolyo xili ay dhac halkaasi ka geesanayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in Dilkaasi shalay ka danbeeyeen Ciidamada Dowlada oo Howl gal gaar ah ee ku baacsanayeen kooxaha dadka dhiba ka waday qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho shalayna lagu guuleestay in sadaxdaas nin lagu toogto isla goobtii dadka ku dhibayeen.

Janaraal Diini ayaa sheegay in ay sii socon doonto ugaarsiga lagu hayo Raga ku labisan Dareeska Ciidanka ee shacabka dhibka ku hayo isagoona xusay in aragti lagu toogan doono laguna dili doono isla goobta falkaasi ka geestaan Ciidamada Dowlada.

Rag ku labisan Dareeska Ciidanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Dhibaatooyin isugu jira dilal dhac ku hayay dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmooyinkii ugu danbeeyay ee dadku kusoo laabteen kadib markii Dowlada Shabaab ka saartay.

Agaasimaha Nabad Sugidda: “Waan sii wadaynaa howlgallada amniga lagu xaqiijinayo”
Hey’adda Nabad Sugidda Qarabka Soomaaliya ayaa faah  faahin ka  bixisay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada Nabad Sugidda ka wadeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda, iyadoo shacbaka Soomaaliyeed ka codsatay in la xoojiyo wada shaqeynta kala dhaxeysa, iyaga iyo hey’adda amniga ee Qaranka.

Agaasimaha guud ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shacabka ka dalbaday in ay sii xoojiyan taageerada ay sii nayaan ciidamada amniga, isagoo intaa ku daray in guullo waa weyn laga gaaray howlgallo maalmaham ka socday magaalada Muqdisho oo ay gacan ka geysteen shacabka.

“Waxaa naga go’an in aan sii wadno howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, anagoo la kaashanayna shacabka, waxaana howlgalkaasi fulinaya ciidammo si gaar u tababaran si loo xoojiyo ammaanka guud ee caasimadda” ayuu Fiqi hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana taliyahaasha Nabad Sugidda ee degmooyinka ka howlgallada ay soo qaateen tababar dibedda ah, isagoo ku ammaanay shacabka Muqdisho sida wanaagsan ee ula shaqeeyaan hey’adaha amniga gaar ahaan hey’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Miino lagu aasay Masaajid ku yaala Magaalada Baydhabo.
Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ayaa waxay xireyn aagga Masaajidka Sheekh adan Geelid Leh ee Magaaladda Baydhabo, iyadoo Masaajidka Sheekh Aadan Geelid Leh uu caan ka yahay Magaaladda Baydhabo, ayna yaqaanaan inta badan shacabka.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay walxaha qarxa ay ku aaastay aagagaaraha Masaajidka Sheekh Aadan Geelid Leh oo ka soo horjeedka Bankigii Dowladdii Kacaanka ee Magaaladda Baydhabo, isla-markaana Ciidamadda Itoobiya ayaa ka war hellay qaraxaasi.

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay la-socdaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay xireyn aagga Masaajidka Sheekh Aadan Geelid leh, si’ay uga bixiyaan walxaha qarxa oo halkaasi loogu aasay, isla-markaana waxay dadka ay goobtaasi ka fogeeyeen masaafo dhan 100 tallaabo.

Labada ciidamo ayaa waxay dadka ka celinayaan inay goobtaasi ka soo ag-dhawaadaan, iyagoo dadka rayidka ah ugu baaqaaya inaysan goobtaasi ka soo ag-dhawaan, waxaana muuqaal ahaan goobahaasi si weyn loogu arkayaa ciidamo xoogan.

Dagaal-yahanada Shabaab oo habeenadii iska dhex socda Magaaladda Baydhabo, ayaa waxay inta badan ay ku aasaan walxaha qarxa, halka maalintii oo ay socdaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ay iyaguna miinooyinka ka soo saaraan.

Xaalad aan wax cago ah ku fadhin ayaa waxaa laga dareymayaa Magaaladda Baydhabo, waxayna shacabka reer Baydhabo ay dhibaatooyin siman ay ku wada qabaan dhinacyada isu haaya gacan ku heynta Magaaladda Baydhabo, waa mid miinooyinka dhulka ku aasa iyo mid dadka rayidka ah u soo qab-qabta.

Sirdoonka Ingiriiska (MI-5) oo ka digay inay dhici karto in wadooyinka London——
Sirdoonka Ingiriiska (MI-5) oo ka digay inay dhici karto in wadooyinka London lagu arko dhalinyaro Soomaaliyeed oo Soomaaliya kasoo dagaal galay.

War ay soo saartay hay’adda dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca sirdoonka ee MI 5 ayaa waxaa ay ku sheegtay inay waayahaan aad u kordheen tirada dhalinyarada Soomaali Ingiriiska ah eek u biiraya Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama

Warkaan oo saaka lagu qoray wargeyska The Telegraph oo ka soo baxa magaalada London ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan tiro badan oo dhalinyaro ah oo ka tagaya wadanka Ingiriiska ee haddana ku biiraya kooxda Al-Shabab waxaana warka lagu sheegay sidoo kale inay jiraan shaqsiyaad kale oo aan Soomaali aheyn oo ku biiraya Al-Shabab

MI 5 waxay hadalkeeda ku sheegtay inay xog ku hayso in dhalinyaro u kala dhashay wadamada Soomaaliya Pakistan iyo Bangladesh ay inta Ingiriiska ka tageen Soomaaliya yimaadeen kadibna ay kas bar bar dagaalameen  Al=-Shabab oo dhawaan ku dhawaaqday inay ku biirtay ururka Al-Qacida

Warka waxaa lagu sheegay in walaaca jira uu yahay in laga cabsi qabo in dhalinyaradaasi oo tababar dagaal ku qaatay Soomaliya ay dib ugu laabtaan Ingiriiska haddana ay geystaan falal amaan darro

Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee MI 5 Jonathan Evans oo la hadlay wargeyska warkaan qoray ee The Telegraph ayaa tilmaamay inay dhici karto in wadooyinka London lagu arko dhalinyaro Soomaaliyeed oo Soomaaliya kasoo dagaal galay hase ahaatee waxaa uu xusay in arrintaasi ay u baahantahay in indho dheeraad ah loo yeesho.

Bishii may ee sanadkii hore waxaa gobolka waqooyi bari Kenya lagu qabtay 4 ruux oo qaarkood ay u dhasheen wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo watay baasabooro Ingiriis ah kuwaasoo la sheegay inay ku biiraan ragga u dagaalama  Al-Shabab.

Dadka ku dhaqan Caasimadaoo soo dhaweeyay Howgaladii ugu danbeeyay
Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa boggaadiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidammada qaranku Al-Qaacidda Soomaaliya uga xoreeyeen dulleedka magaalada Muqdisho, iyagoo ciidammada qaranka ku dhiira galiyay in sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Soomaaliya uga ciribtiri lahaayeen Al-Qaacidda.

Ciidammada dowladda oo kaashanay ciidammada Soomaaliya nabad illaalinta u jooga ee AMISOM oo shalay ku guuleystay in Al-Qaacidda Soomaaliya ay ka xoreeyaan deegaanno muhiim ah sida Suuqa xoolaha iyo fariimo dulleedka ka ah Muqdisho ayaa waxaa arrintaasi si weyn uga riyaaqay shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

Shacabka Muqdisho oo Radio Muqdisho iyagoo si weyn u qiireysan xiriir la soo sameeyay ayaa si weyn ugu hambalyeeyay uguna boggaadiyay ciidammada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Naftooda u dhuray sidii shacabkooda muddada dhibaatada ay ku hayeen Al-Qaacidda uga dul qaadi lahaayeen.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha ciidammada dowladda ay ku boggaadiyeen in ay sii wadaan dhiira galinta ay u sameysanayaan ciidammada howlgalka wada, iyagoo intaa raaciyay in ay gacab taagan yihiin isla markaana ay dareemayaan faraxaddii 1960-kii oo kale maadaama ay Muqdisho mar kale xor noqotay.

Shacabka reer Muqdisho ayaa kula dardaarmay madaxda qaranka Soomaaliyeed in ay dadaal u galaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen xuquuda ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo la soo baxay waji cusub oo horumar leh, iyaguna ay ku taageersan yihiin.

Isha Warka Radio Muqdisho

Xaalada goobihii ay dagaaladu ka dhaceen oo saaka dagan
Muqdisho: Waxaa saaka dagan xaaladda goobihii shalay ay ku dagaalameen dowladda iyo Al Shabaab ee degmada Huriwaa, iyadoo Taliska AMISOM iyo Shabaab ay ka hadleen dagaalkaasi.

Kadib markii shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si buuxda gacanta ugu dhigeen fariisimo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen degmada Huriwaa oo ay ka mid tahay Maslax ee magaalada Muqdisho islamarkaana dagaal aan sidaasi u buurneen uu nawaaxiga Xerada Maslax uu ku dhaxmaray dowladda iyo Al Shabaab ayaa saaka xaaladu waxa ay tahay mid dagan inkastoo la maqlayo rasaas goos goos ah oo mararka qaar dhaceysa.

Xerada Maslax ayaa xalay waxaa ku baryay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo shalay halkaasi fariisimo ka samaystay, waxaana la sheegay in markii shalay ciidamada ay halkaasi galeen Xerada laga maqlay qaraxyo kuwaasi oo aan la oagayn ilaa hada qasaaraha ay gaysteen hase ahaa Saraakiisha Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen 6 askari oo ka tirsanaa AMISOM.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Panddy Ahnkunda oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in si qorsheysan uu u dhacay howlgal uu sheegay in shalay ka fuliyeen deegaano ay ka gacanta ku hayeen Al Shabaab, isagoo sheegay in ay qabsadeen fariisimo muhiim ah.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa maalmihii dambe isku balaarinayey deegaanada magaalada Muqdisho ay kaga sugnaayeen Al Shabaab, waxaana la wareegida Xerada Maslax iyo wadada aada dhanka Balcad ay ka dhigeysaa in dowladda ay u jiheysaneyso gobolka Sh/dhexe oo ay maamulaan Al Shabaab.

Kibaki, Ethiopia PM set for trade talks
Ethiopia Prime Minister Meles Zenawi arrived in Kenya Thursday as the two countries engage in major infrastructure development to boost trade.

The Ministry of Foreign Affairs and the Kenya Private Sector Alliance said the Ethiopian leader will be in Nairobi until Friday.

President Kibaki and Mr Zenawi will on Friday witness the signing of bilateral agreements between the two countries.

Thereafter a joint communiqué will be issued at State House, Nairobi.

“The consultative meetings will provide a platform for high level interactions, develop an agreed outline of areas that require intervention by both governments and possibly come up with time bound action plans for resolving existing trade barriers including mitigating trade balance between the two countries,” Kepsa chief executive Carole Kariuki, said.

Mr Zenawi is expected to deliver a key note address to Kenya-Ethiopia Business Forum.

With more than 80 million people, Ethiopia is the most populous landlocked nation in the world and has the biggest economy by GDP in East Africa and Central Africa.

Kenya is Ethiopia’s second biggest trading partner in Africa after Djibouti.

Trade between Kenya and Ethiopia is further expected to rise in the coming year following the signing of a $743 million deal for the construction of the Addis Ababa-Nairobi-Mombasa road project last June.

The road is part of the Trans-African Highway Corridor that will interconnect the two East African countries with the rest of East and Southern Africa.

Kenya has been looking north to diversify its trade relations, focusing on Ethiopia and Sudan.

The road project, covering over 880 kilometres and financed through a loan from the African Development Bank, is expected to be completed in three years.

Kenya’s Economic Survey 2010 showed Nairobi’s exports to Addis Ababa stood at $43.1 million while Kenya imported goods worth $2.4 million.

According to Ethiopian Roads Authority, the road will enable the country import goods using Mombasa port at a cheaper rate than through Djibouti.

Kenyan government also has plans to develop the Lamu Port-Southern Sudan Ethiopia Transport Corridor as one of the flagship projects identified in its Vision 2030 blueprint.

The port of Lamu is strategic both politically and economically for the East African region, and presents the most appropriate entry to East and Central Africa compared with Port Alexandria in Egypt, Cape Town in South Africa or Lagos in Nigeria.

Construction of Lamu Port is expected to be commissioned on Friday as a joint project of the Governments of Kenya, Ethiopia and South Sudan.

Prime Minister Raila Odinga has said the road from the port through Garsen to Isiolo would be at par with the Nairobi-Mombasa highway.

Kulan looga hadlayay Qatarta Argagixisada oo Muqdisho ka dhacday
Kulan balaaran oo looga hadlayay Qatarta ka imaanka karta isku biiritaanka Alshabaab iyo Al-qaacida ayna soo qaban qaabiyeen culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca iyo hay’adda wadahalka bulshada CCD ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta Hay’adda CCD culumaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca, haween, dhalinyaroiyo xubno kale oo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha majmaca culimadda Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa ugu horeyn waxaa uu hadallo wacyigelin ah uu u jeediyay dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi isagoo ka digay in kooxda Al shabaab iyo Al-qaacida ay ka imaankarta halis ka weyn tan iminka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed waxa uuna ku booriyay ummadda in ay u midoowaan sidii ay uga hor tagilahaayeen falalka liddiga ku ah shareecada oo ay wadaan kooxahaasi.

sidoo kale xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa dhamaantood isku aragti ka ahaa in halis kale laga filankaro isku biiritaanka kooxahaasi iyagoo muujiyay si ay uga walwalsanyihiin dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah

Qasaarihii ka dhashay dagaal ka dhacay Garbahaarey oo sii kordhaya.
Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaal xalay iyo ilaa saakay waabarigii ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

Kadib markii xalay ilaa waabarigii hore ee saakay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab uu ka dhacay Magaalada Garbaahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa waxa faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaaladaasi.

Inka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay oo u badan dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo ku sugnaa goobta uu dagaalka ka dhacay, waxaana la sheegay in sidoo kale ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan.

Gudoomiyaha dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil oo waraysi siiyay idaacadaha  ayaa waxa uu qiray inay jiraan qasaarahaasi, hase ahaatee waxa uu sheegay in Al Shabaab ay kala wareegeen qalab iyo saanad militari oo ay kaga carareen sida uu hadalka u dhigay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen.

Max’ed Cabdi  Kaliil ayaa waxa uu sheegay in meydad badan oo ka tirsan Al Shabaab islamarkaana ku geeriyooday dagaalkii xalay ilaa iyo iminka uu yaalo goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, isagoo xusay in dhinacoodu ay ka geeriyoodeen labo askari.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen degmada Garbaareey uu ka dambeeyay kadib kulamo ay mudooyinkii dambe qaadaneyeen Saraakiisha Al Shabaab kaasi oo lagu doonayay in degmadaasi iyo meelo ka mid ah gobolka loogu abuuro dhibaatooyin taasi oo uu sheegay inay ku fashilmeen.

Hadlkaani ayaa imaanaya xilli Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay shaaca ka qaadeen in dagaal ay ku qaadeen Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo ay ku dileen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda islamarkaana dagaalkaasi u jeedkii ay ka lahaayeen ay ka gaareen.